Muxuu ka dhiganyahay Heshiiska dhaxmaray Shirkadda SKA iyo Dowladda Federaalka [Dhageyso Warbixin].

Thursday April 26, 2018 - 12:14:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu ka dhiganyahay Heshiiska dhaxmaray Shirkadda SKA iyo Dowladda Federaalka [Dhageyso Warbixin].

    shirkadda lagu magacaabo SKA International waxay ka diiwaan gashantahay dalka isku tagga imaaraatka carabta, waxaa shirkaddan aas-aasay Jeneraallo melleteri oo howlgab ah kuwaas oo badankood kasoo jeedo wadamada Mareykanka,Ingiriiska iyo Koonfur afri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

shirkadda lagu magacaabo SKA International waxay ka diiwaan gashantahay dalka isku tagga imaaraatka carabta, waxaa shirkaddan aas-aasay Jeneraallo melleteri oo howlgab ah kuwaas oo badankood kasoo jeedo wadamada Mareykanka,Ingiriiska iyo Koonfur afrika.


Waa shirkado soo kiraysata calooshood ushqeystayaal saliibiyiin jinsiyada kala duwan leh, xarunta ugu weyn ee shirkadda ayaa kutaal magaalada Dubai ee imaaraatka carabta sidoo kale awoodeeda 2-aad waxay kutaal wadanka Koonfur afrika.

Wasaaradda Gaashaandhigga DF-ka  iyo SKA ayaa kala saxiiday heshiis dhinacyo badan taabanaya oo dhammaantiis ah mid dan u ah shirkaddan caloosheed ushaqeysatada ah, heshiiska oo dhanka Dowladda  uu usaxiixay wasiirkii gaashaandhigga ee maalmo ka hor iscasilay iyo Taliyaha waxa loogu yeero xoogga ayaa dhigaya in shirkaddan ay furto waddooyinka ka xiran cadawga jinsiyadaha kala duwan leh kadib markii Al Shabaab ay jareen isku socodka cadowga.


Cabdi Wali Gorod oo ah taliyaha guud ee ciidamada melleteriga  ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay Hehsiiskan lagaleen shirkaddan caloosheed ushaqeysatada ah ayna maciin bideen in ay waddooyinka ufurto  wuxuuna qirayaan in qarashka ku baxaya howashan ay shirkaddo qaab mukhalasnimo ah ugasoo qaadanayso waxa loogu yeero beesha caalamka oo maalgeliya duullaanka shisheeyaha ah arrinkaas oo muujinaya in DF-ka  ridada aanay aamineyn waxa loogu yeero beesha caalamka.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in heshiiskan uusan wax faa'iida ah ugu jirin DF-ka  sababtoo ah maleeshiyaadka ilaalinaya gaadiidka saadka gelbinaya waa kuwa katirsan DF-ka  dabcan dhimashada iyo dhaawaca iyaga ayay gaaraysaa balse Markale Taliyaha ciidanka DF-ka  wuxuu leeyahay waxa kaliya ee aan ka faa'iideynno waa magac kaliya oo waxay shirkaddu dhihi doontaa 'Ciidamada dowladda ayaa jidadka Furay"!.

Halkan ka degso Warbixinta ama Hoos Ka Daawo


Related Items