Wilaayada Mudug Oo Sheegtay in Ay isku dhiibeen Ciidamo ka goostay Galmudug iyo DF-ka.

Friday April 27, 2018 - 08:12:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wilaayada Mudug Oo Sheegtay in Ay isku dhiibeen Ciidamo ka goostay Galmudug iyo DF-ka.

    Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo ah waaliga wilaayada Islaamiga Mudug ayaa isagoo wareysi siinayay Idaacadda Islaamiga Andalus wuxuu ka warbixiyay xaaladda gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo ah waaliga wilaayada Islaamiga Mudug ayaa isagoo wareysi siinayay Idaacadda Islaamiga Andalus wuxuu ka warbixiyay xaaladda gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in ciidamo farabadan oo katirsanaa dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ay dhankooda iskusoo dhiibeen iyagoo ka Towbad keenay la shaqeynta cadowga dalka kusoo duulay.

Waaliga Mudug wuxuu ugu baaqay ciidamada kale ee wali ku haray safka cadawga in ay Towbadkeenaan isagoo uballan qaaday in ammaan lasiin doono ayna dadkooda dhinac ka raacayaan iyagoo xur ah oo diinkooda ku dheggan.

Sidoo kale wuxuu si waafi ah uga warbixiyay xaaladda gobolka Mudug oo sanadkan ay ka da'een Roobab Mahiigaan ah, Xarakada Al Shabaab ayaa gacanta ku heysa degmooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah oo katirsan Mudug sida magaalooyinka Xarardheere iyo Jowllo.


Halkan ka degso wareysiga waaliga ama hoos ka degso


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed