Itoobiya Oo Walaac Ka Muujisay in Ciidamada AMISOM isaga Baxaan Dalka Soomaaliya

Friday April 27, 2018 - 08:36:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Walaac Ka Muujisay in Ciidamada AMISOM isaga Baxaan Dalka Soomaaliya

    Dowladda Itoobiya, oo kamid ah dowladaha ugu horreeya ee fara galinta millatari muddo hore kusoo hayay dalka Soomaaliya, ayaa si aad ah uga walaacsan in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay isaga baxaan Soomaaliya waxayna ku baaqday in ciidamadaasi wadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka wasaarradda arrimaha itoobiya Itoobiya
Dowladda Itoobiya, oo kamid ah dowladaha ugu horreeya ee fara galinta millatari muddo hore kusoo hayay dalka Soomaaliya, ayaa si aad ah uga walaacsan in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay isaga baxaan Soomaaliya waxayna ku baaqday in ciidamadaasi wadanka sii joogaan


Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee  Xabashida itoobiya Ninka lagu magacaabo  Meles Alem ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa wuxuu ku muujiyay walaaca ay ka qabaan sii xoogeysashada Al Shabaab oo uu ku sifeeyay Urur Argagaxiso.

"Itoobiya waxay soo jeedinaysaa in ciidamada AMISOM ay sii joogaan dalka Soomaaliya  illaa  laga wiiqo Kooxda Al Shababa ee Argagaxisada ah”sidaas waxaa yiri Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya


Itoobiya, ayaa si dhab ah u yaqiinsan in haddii la dhimo ciidamada AMISOM  aaney askartoodu sii joogi karin dalka Soomaaliya, waana midda keeneysay in sidaan uqeylla dhaamiso.

Arrinta kale ee meesha ku jirta ayaa waxay tahay in ciidamadan Midowga Afrika markii horaba loo keenay iney gurmad u noqdaan ciidamadii Itoobiya ee ku dhiig baxay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana askartii ugu horreysay ee AMISOm, ay soo duuleen sannadkii 2007-dii iyagoo haatan dalka jooga muddo 10 sano ah.

Sannadkii 2016 kii bishii June, ururka midowga Afrika, ayaa sheegay inuu go’aan ku qaatay in la dhimo ciidamada AMISOM  ee jooga Soomaaliya, illaa ugu dambeyntii dalka laga saaro, waxaana jira in sannadkii tegay ee 2017 kii dalka laga saaray illaa kun askari, halka sannadkan loo madalsan yahay in sidaas oo kale kun iyo dhowr askari lagu celiyo dalalkooda.

Billowgii todobaadkan ayay ahayd markii uu taliyaha ciidanka Uganda, shaaca ka qaaday in ciidamadoodu ku ilka beeleen dagaalka islamarkaana ay danta ku kalliftay iney is uruuriyaan oo ay degaano dhowr ah dib uga laabtaan.

Iskusoo wada duuboo, hadalka walaaca ah ee kasoo baxay Itoobiya, ayaa wuxuu muujinayaa taak darrida ciidamadooda iyo hadafka dheer ee ay Soomaaliya ka leeyihiin oo ay iney si toos ah u qabsadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items