Sawirro: 68 Sano Kadib Madaxweynayaasha Labada Kuuriya Oo Kulan Taariikhi Ah Yeeshay.

Friday April 27, 2018 - 09:10:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 68 Sano Kadib Madaxweynayaasha Labada Kuuriya Oo Kulan Taariikhi Ah Yeeshay.

    Kulan lagu sifeeyay taariikhi ayaa markii ugu horraysay dhaxmaray hoggaamiyaasha dowladaha waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya oo muddo ku dhow qarni uu dagaal ka dhaxeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan lagu sifeeyay taariikhi ayaa markii ugu horraysay dhaxmaray hoggaamiyaasha dowladaha waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya oo muddo ku dhow qarni uu dagaal ka dhaxeeyay.



Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong ayaa si lama filaan ah uga tallaabay xuduudda wadankiisa wuxuuna kulan laqaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Ninka lagu magacaabo Moon Jae-in.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay deegaanka Hubka ka caaggan ee Panmanjoom halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil labada dowladood katirsan.

Kim Jong Un hoggaamiyah waqooyiga Kuuriya ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah wuxuuna ugu baaqay shacabka labada Kuuriyo in ay isku diyaariyaan dib usoo cesashada midnimadoodii luntay.



Waa kulankii ugu horreeyay oo madaxda labada Kuuriya yeeshaan muddo 68 sanadood ah tan iyo markii uu billaawday dagaalkii gacanka Kuuriya sanaddii 1950-kii.

Dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa laba bilood ka hor ku dhawaaqday in ay diyaar utahay wadahadal ay lagasho Mareykanka iyo xulufadiisa ayna joojinayso tijaabinta Hubka Niyugleerka





Related Items

https://twitter.com/africa_waleed