Roobab Mahiigaan Ah Oo Sii Xoojiyay Fatahaadda Wabiga Shabelle Ee Magaalada Beled Weyne.

Saturday April 28, 2018 - 08:38:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Mahiigaan Ah Oo Sii Xoojiyay Fatahaadda Wabiga Shabelle Ee Magaalada Beled Weyne.

    Kumanaan qoys ayaa wali isaga firxanaya guryahooda oo kuyaal magaalada Beled weyne ee xarunta ah kadib markii Fatahaad uu sameeyay Wabiga shabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan qoys ayaa wali isaga firxanaya guryahooda oo kuyaal magaalada Beled weyne ee xarunta ah kadib markii Fatahaad uu sameeyay Wabiga shabelle.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya dhaca ayaa sheegaya in roobab Mahiigaan  ah ka da'een galbeedka iyo Bariga gobolkaasi.

Meelaha Roobabka Mahiigaanka ah ka da'een waxaa kamid ah magaalada Beled weyne oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku fatahayay wabiga shabelle.

Roobabkan ayaa sare uqaaday cabsida laga qabo in fatahaaddu sii xoogeysato, goob joogayaal ayaa sheegay in roobab daadad wata ay saameyn ballaaran ku yeesheen dadka deggan wabiga Jiinkiisa.


Dad ka badan 400,000 oo kun ayaa la xaqiijiyay in ay isaga Barakaceen fatahaadda magaalada Beled weyne sida ay sheegeen dadka waxgaradka deegaanka, dadka isaga firxanaya magaalada ayaa badankood gaaraya deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 20 KM ujira magaalada.

Roobabka Guga ayaa sanadkan si aan horay loo arag uga da'ay inta badan gobollada dalka Soomaaliya arrinkaas oo xoola dhaqatada iyo beeralaydu si diirran usoo dhoweeyeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed