Mareykanka Oo Digniin Udiray Duuliyayaasha AFRICOM Ee Ku Sugan Dalka Jabuuti.

Saturday April 28, 2018 - 09:40:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Digniin Udiray Duuliyayaasha AFRICOM Ee Ku Sugan Dalka Jabuuti.

    Kala shaki ayaa soo kala dhaxgalay talisyada ciidamada Mareykanka iyo Shiinaha ee ku sugan Wadanka Jabuuti ee dhaca Bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala shaki ayaa soo kala dhaxgalay talisyada ciidamada Mareykanka iyo Shiinaha ee ku sugan Wadanka Jabuuti ee dhaca Bariga qaaradda Afrika.

War kasoo baxay hay'adda Hawada Mareykanka ayaa looga digay duuliyayaasha diyaaradaha taliska AFRICOM in aysan isticmaalin hawada halka uu kuyaal saldhigga melleteri ee dowladda Shiinaha.

Hay'adda ayaa sheegtay in dowladda shiinaha ay qalab casri ah ku rakibtay saldhigeeda Jabuuti kaasi oo waxyeellaynaya duuliyayaasha diyaaradaha Mareykanka.

Digniintan ayaa loo gudbiyay dhammaan askarta iyo saraakiisha Taliska ciidamada AFRICOM, dowladda Shiinaha ayaa saldhigeeda Jabuuti ku rakibtay qalab shoocaac ku furaya diyaaradaha melleteri.


Duuliyayaasha diyaarada ayaa lagula taliyay in ay isticmaalaan jaakado yareyn kara halista ka imaan karta shoocaaca dowladda shiinaha ay ku rakibtay saldhigeeda Jabuuti.

Saraakiisha Americanka ah waxay duuliyayaashooda Jabuuti ku sugan ugu baaqeen in dhoolatus aysan ku sameyn karin fogaan dhan 750 Mitir, wadanka Jabuuti waxaa saldhigyo ciidan ku leh quwado caalami ah oo dagaal qaboow ka dhaxeeyo sida Mareykanka,Shiinaha, Faransiiska iyo Japan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items