Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu dilay Saraakiil Sarsare Oo ka dhacday Gaalkacyo.

Saturday April 28, 2018 - 12:29:21 in Wararka
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 3
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu dilay Saraakiil Sarsare Oo ka dhacday Gaalkacyo.

    Weerar Istish-haadi ah oo gallaaftay nolosha saraakiil ka tirsan Ciidamada DF-ka iyo kuwa maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Istish-haadi ah oo gallaaftay nolosha saraakiil ka tirsan Ciidamada DF-ka iyo kuwa maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, bartamaha Soomaaliya.

War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu aha howlgal Istish-haadi ah isla markaana lagu beegsaday Ciidamo dhawaanahan lagu uruurinayay gudaha magaalada Gaalkacyo.

 Inta la xaqiijiyay 6 sarkaal ayaa ku dhimatay weerarka  waxaana kamid ah Taliyihii ciidamada isku dhafka Millatariga gobolka Mudug Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) iyo  Cabdi Qani Axmed Geyre  oo ahaa Taliye ku xigeenkii ciidanka, sidoo kale saraakiil kale iyo ciidamo ayaa ku dhintay weerarka oo ahaa mid istish-haadi ah.


Weerarku wuxuu ka dhacay xafiis ay ku howlgalaan saraakiisha ciidamada isku dhafka ah oo kuyaal xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug, Al Shabaab waxay sheegtay in ay beegsaday wax ay ku tilmaamtay 'Madaxya weynta murtadiinta' oo ay ula jeedo saraakiisha isku dhafka ah ee ka kala yimid maamullada Galmudug,Puntland iyo dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed