Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Oo Lafilayo in Uu Noqdo Shakhsi ay Wataan Farmaajo iyo Kheyre.

Sunday April 29, 2018 - 06:54:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Oo Lafilayo in Uu Noqdo Shakhsi ay Wataan Farmaajo iyo Kheyre.

    Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lafilayaa in berri uu doorto hoggaan cusub kadib markii iscasilaad lagu qasbay guddoomiyihii hore oo uu khilaaf kala dhaxeeyay Kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lafilayaa in berri uu doorto hoggaan cusub kadib markii iscasilaad lagu qasbay guddoomiyihii hore oo uu khilaaf kala dhaxeeyay Kheyre.

Hoteellada waaweyn ee magaalada Muqdisho oo ay deganyihiin xildhibaanada waxaa xalay kajiray dhaq dhaqaaq laaluush bixin ah waxaana la arkayay musharaxiinta oo xildhibaanada siyaaba kala gooni gooni ah ula kulmaya.

Dadka ugu cadcad ee lafilayo in ay ku guuleystaan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa kamid ah Max'med Mursal wasiirkii hore ee G/dhigga oo ay wataan Farmaajo iyo kheyre sidoo kale Aadan Madoobe ayaa isna kamid ah dadka ugu muuqda ololaha socda.


ammaanka waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa DF-ka iyagoo mamnuucay isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items