Dowladda Ruushka Oo Dhoollatus Melleteri Kusoo Bandhigeysa Diyaarado iyo Gaadiid Casri ah.

Sunday April 29, 2018 - 07:25:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ruushka Oo Dhoollatus Melleteri Kusoo Bandhigeysa Diyaarado iyo Gaadiid Casri ah.

    Wasaaradda G/dhigga dowladda Ruushka ayaa wada udiyaar garoowga dhoollatus melleteri midkii ugu ballaarnaa tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii 2-aad ee adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda G/dhigga dowladda Ruushka ayaa wada udiyaar garoowga dhoollatus melleteri midkii ugu ballaarnaa tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii 2-aad ee adduunka.



Ruushka oo dagaal qaboow iyo loolan awood raadsi ah kala dhaxeeya Mareykanka ayaa soo bandhigaya hubkiisa casriga ah, wararka ka imaanaya magaalada Moscow ayaa sheegaya in 10-ka Bisha soo socota ee May uu dhici doono dhollatus ay ka qeyb qaadanayaan kumanaan ciidan ah.

Wakaaladda wararka ufaafisa Ruushka ayaa sheegtay in dhoolatuskan lagusoo bandhigi doono diyaaradaha Drone-ka casriga ah ee loo yaqaan Citran iyo

Kursar oo awood uleh sahan iyo duqeyn hal mar qura sidoo kale isla diyaaradahan Drone-ka ayaa lagu daad gureyn karaa saad ciidan iyo qalab kale waxayna waxbadan uga duwanyihiin diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo ku kooban duqeyn iyo sahan.



Sidoo kale dhoollatuskan waxaa ka qeyb qaadan doona dabaabaadka casriga ah ee loo yaqaan Terminator iyo gaadiidka ciidamada xambaara nuuca aysan xabaddu karin.

Machad arrimaha melleteriga Daraaseeya ayaa tallaabadan cusub ee Ruushku qaaday ku tilmaamay mid qeyb ka ah is hubeynta casrigan wuxuuna ka digay in loolanka dhanka awoodda ah ee u dhaxeeya Ruushka iyo reergalbeedka uu isku bedelo dagaal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items