Inta Badan Shacabka Magaalada Beled Weyne Oo Guryahooda Ka Barakacay.

Sunday April 29, 2018 - 20:42:23 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inta Badan Shacabka Magaalada Beled Weyne Oo Guryahooda Ka Barakacay.

    Boqolaal kun oo qoys ayaa isaga firxaday guryahooda oo kuyaal magaalada Beled Weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kadib markii ay magaaladaas ku dhufteen fahaado aad udaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal kun oo qoys ayaa isaga firxaday guryahooda oo kuyaal magaalada Beled Weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kadib markii ay magaaladaas ku dhufteen fahaado aad udaran.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in dad ku dhow laba boqol oo Kun oo qof ay isaga barakaceen galbeedka iyo Bariga magaalada taas oo keentay in Beled weyne ay umuuqaal ekaato mid lama degaan ah.

Dadka ugu badan ayaa ubarakacay deegaannada dhaca duleedka magaalada halkaas oo ay ku wajahayaan xaalado nolol xumo, qoysaska qaar oo ay usuurtagali waysay in ay ka baxaan magaalada ayaa la sheegay in xaalad go'doon ah ay wajahayaan islamarkaana guryahoodu biyuhu maasheeyeen.


Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay ugurmadaan dadka tabaalaysan ee banaan yaalka ku ah duleedyada magaalada Beled Weyne.

Fatahaadda ayaa ah mid laba dhinac ah mid ka dhalatay Roobabka Mahiigaamka ah ee gobolka ka da'ayay iyo biyaha wabiga shabelle oo karkaarka jabsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed