Trump Oo Dowladaha Gacanka Carabta Ku Amray in Ay Mareykanka Lacago Siiyaan.

Sunday April 29, 2018 - 21:37:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Dowladaha Gacanka Carabta Ku Amray in Ay Mareykanka Lacago Siiyaan.

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Ninka cunsuriga ah ee Donald Trump ayaa markale ku celiyay in maamulkiisu uu lacago qaan sheegad ah ka qaadi doono dowladaha Khaliijka ee Hodonka ku ah shidaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Ninka cunsuriga ah ee Donald Trump ayaa markale ku celiyay in maamulkiisu uu lacago qaan sheegad ah ka qaadi doono dowladaha Khaliijka ee Hodonka ku ah shidaalka.



Donald Trump ayaa sheegay in dowladaha dhaca mandiqadda loo bixiyay Bariga dhexe ay qasab ku tahay in ay lacag siiyaan Mareykanka isagoo sabab uga dhigay in ay yihiin kuwa Hodon ah islamarkaana ku tiirsan ilaalada ciidamada Mareykanka.

Isagoo taageerayaashiisa kula hadlayay gobolka Michigan ayuu sheegay in dowladaha Khaliijka carabta ay yihiin kuwa Maalqabeenno ah balse aysan si daacad ah Mareykanka lacag usiin arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan laqaadan karin.



"Todobo Tariliyoon oo dollar ayaan ku bixinnay dowladaha Bariga dhexe walina waxba kama helin" ayuu yiri Trump oo muuqday in uu lacag hor leh ka qaadan doono dowladaha Khaliijka.

isagoo sii hadlayay ayu xaqiijiyay in ay ku wargeliyeen dowladaha Bariga dhexe in laga doonayo bixinta dhaqaale xooggan  " way bixin doonaan oo way bixin doonaan lacagta" ayuu markale yiri Trump.

isbuucii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Mareykanka sidaan oo kale u sheegay in dowladaha Khaliijka ee lixda ah aysan isbuuc sii jiri karin iyagoo aan heysan taageerada Mareykanka.

Siyaasiyiinta ayaa warka Trump ka yimid ku tilmaamay mid ihaana ah oo ka dhan ah xukuumadaha dabadhilifyada ah ee kajira wadamada caalamka islaamka oo si sandulle ah lacag usiiyo Washington.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items