Tobanaan Askari Oo Ciidamada Bishaar Al-Asad looga Dilay Duqeyn Ka Dhacday Suuriya.

Monday April 30, 2018 - 11:47:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tobanaan Askari Oo Ciidamada Bishaar Al-Asad looga Dilay Duqeyn Ka Dhacday Suuriya.

    Tobaneeyo askari oo katirsan ciidamada Nidaamka Suuriya ayaa lagu dilay weerar hor leh oo lagu qaaday saldhigyo melleteri oo ay ku sugnaayeen saraakiil iiraaniyiin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo askari oo katirsan ciidamada Nidaamka Suuriya ayaa lagu dilay weerar hor leh oo lagu qaaday saldhigyo melleteri oo ay ku sugnaayeen saraakiil iiraaniyiin ah.

Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay duqeymo ku beegsadeen illaa laba saldhig oo dhaca gobollada Xalab iyo Xamaah halkaas oo lagu dilay tobaneeyo askari.

Telefeshinka afka Bishaar Al-asad ku hadla ayaa xaqiijiyay in qaraxyo waaweyn oo ka dhashay duqeymaha laga maqlay bartamaha iyo waqooyiga Suuriya wuxuuna weerarkan ku tilmaamay mid cadawtooyo.

Guddiga xuquuqul insaanka ee soo tabiya dagaalka Suuriya ayaa sheegay in ku dhowaad 50 askar iyo saraakiil ah ay ku dhinteen duqeynta oo loo malaynayo in ay fuliyeen diyaarado Yahuuddu leedahay.


Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay duqeyntu ay burburisay saldhigga Jarsi47 oo ku dhow magaalada Xammaah ee bartamaha Suuriya.

Afhayeen uhadlay ciidamada Melleteriga Nidaamka Bishaar Al-asad ayaa war uu soo saaray ku yiri "Suuriya waxay markale la kulantay sawaariikh cadawga uga timid oo lagu taageerayo Argagaxisada".

R/wasaaraha Yahuudda Bin Yamiin Netenyaahu ayaa dhowaan sheegay in meel walba oo dalka Suuriya katirsan ay ku beegsanayaan saraakiisha Iiraan islamarkaana aysan ogolaan doonin in dhaq dhaqaaqya Tahran ee Mandiqadda uu halis ku yahay amniga Yahuudda.

Horraantii Bishaan wakaaladda wararka ufaafisa dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in 7 kamid ah saraakiisha ciidanka ilaalada kacaanka looga dilay duqeyn diyaaradeed oo gudaha Suuriya ka dhacday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed