Dibad Baxyada Ka Dhanka Ah Cabdi ileey Oo Sii Xoogeystay iyo Magaalada Dirir Dhabe Oo Kacdoonka Ku Biirtay.

Monday April 30, 2018 - 11:55:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad Baxyada Ka Dhanka Ah Cabdi ileey Oo Sii Xoogeystay iyo Magaalada Dirir Dhabe Oo Kacdoonka Ku Biirtay.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali galbeed ee ay Itoobiya gummeysato ayaa sheegaya in mudahaaraadyadii waawaynaa ee ka bilowday Gobolka Shiniile ay kusii fideen deegaano horleh oo kamid ah dhulka ay xabashidu gumaystaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali galbeed ee ay Itoobiya gummeysato ayaa sheegaya in mudahaaraadyadii waawaynaa ee ka bilowday Gobolka Shiniile ay kusii fideen deegaano horleh oo kamid ah dhulka ay xabashidu gumaystaan.



Shacabka ku dhaqan magaalada Diri Dhabe ee galbeedka Somaligalbeed ayaa isugusoo baxay mudaaharaad balaaran oo ay ku diidan yihiin taliska gumaysiga Itoobiya iyo mamulka daba dhilifka ah ee uu hogaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar "Cabdi Ileeyā€¯.

Mudaaharaadkan oo ay kasoo qayb galeen dad boqolaal ah oo ku nool magaalada Diri dhabe ayaa waxaa iyana garab socday mudaharaadyo kale oo ay dhigayeen dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magalooyin ka tirsan gobolka shiniile sida magalada Erer oo u dhaw magalada diri dhabe.



Muuqaallo lagasoo qaday mudaaharaadyada ayaa muujinayay dad caraysan oo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Maamulka xabashida ee fadhigiisu yahay Adis Ababa iyo kan Cabdi Ileey ee tigreega wakiilka uga ah dhulka gumaysiga ku jira ee Soomaaligalbeed.

Dhinaca kale warbixin lagu qoray wargeyska Adis-standar ee kasoo baxa wadanka itoobiya ayaa lagu sheegay in qilaaf  salka ku hayo mudaharadyada ka bilowday dhulka soomaligalbeed uu soo kala dhex horjoogayaasha maamulka ina iley, kadib markii shaqada laga eryay madaxweyna ku xigeenkii maamulkaas ninka lagu magaaabo Cabdi Kariin Cigaale.

Cabdi Ileey oo ku magacaaban madaxweynaha maamulka xabashidu ka dhistay dhulka Soomaali-Galbeed ayaa ku xigeenkiisa oo ah ninka lagu magacaabo Cabdi Kariin Ciigaale ku eedeeyay inuu waxba ka qaban waayay mudaaharaadyada maamulkiisa looga soo horjeedo ee ka socda Gobolka Shiniile oo uu Cabdi Kariin Cigaalle deegaan ahaan kasoo jeedo.

Wafdi ka socda dhanka Cabdi Ileey ayaa soo gaaray Magaalada Shiniile kuwaas oo kulamo waan-waan ah la qaatay odayaasha dhaqanka gobolkaas si ay xaalada u qaboojiyaan, balse kulamadaas ayaa fashil iyo is afgaran waa kusoo dhamaaday.

Dadka banaanbaxyada wada ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmaan saraakiisha maamulka ridada ah, gabood-fallo ay kala kulmaan maleeshiyaatka Liyuu Booliska loo yaqaano ee gobolkaas ka hawlgala iyo boqolaal maxaabiis dadka deegaanka ah oo la sheegay in xabsiyada laga sii dayn doono balse muboobi waysay.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka dabadhilifka ah ee deegaanadaas ka jira uu shaaca ka qaaday inuu sii daayay 1,500 oo maxaabiis ah oo xabsiyadiisa ku xirnaa, balse arintaas ayaa beenoowday iyadoo dhamaan dadka la sheegay in lasii daayay ay weli jeelasha ku jiraan.

Maamulka Ashahaado la dirirka ah ee hoostaga Taliska Adis Ababa ayaa ka cabsi qaba in banaanbaxyadu ay kusii fidaan gobollo iyo magaalooyin horleh oo ka tirsan dhulka Soomaali-Galbeed, waxaana ay masuuliyiinta maamulkaas oo uu ugu horeeyo Murtad Cabdi Ileey xoogga saarayaan sidii mudaaharaadyadaas loo damin lahaa.

Related Items