Max'med Mursal Oo Noqday Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka.

Monday April 30, 2018 - 17:31:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Max'med Mursal Oo Noqday Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka.

    Waxaa lasoo gaba gabeeyay doorashadii maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka dowladda Federaalka ee lagu dooranayay hoggaanka cusub ee baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lasoo gaba gabeeyay doorashadii maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka dowladda Federaalka ee lagu dooranayay hoggaanka cusub ee baarlamaanka.

Siyaasi ay wateen Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka taas oo ka dhigan in uu meel maray rabitaankii Villa Somalia.

Max'med Mursal Wasiirkii hore ee G/dhigga DF-ka ee maalmo ka hor iscasilay ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka kadib doorashado adag oo uu lagalay Ibraahim Yaroow Isxaaq.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka ayaa helay 147 cod halka Ninkii kale ee latartamayay uu helay 119 cod, Aadan Madoobe iyo musharixiin kale oo iskusoo taagay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa goor hore isaga haray tartanka.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxtooyada iyo Xafiiska R/wasaaraha ay lacago Malaayiin dollar ah ku bixiyeen sidii Mursal uu unoqon lahaa guddoomiyaha Baarlamaanka si ay uga feejignaadaan wax lamid ah hardankii siyaasadeed ee ay kala kulmeen Jawaari guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka ugu dambeyntiina lagu qasbay in uu xilka isaga dago.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed