Dhageyso: Amiirka Al Shabaab Oo Jeediyay Kalimad Uu Uga Hadlayo Xaaladda Dalka Yemen.

Tuesday May 01, 2018 - 19:47:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Amiirka Al Shabaab Oo Jeediyay Kalimad Uu Uga Hadlayo Xaaladda Dalka Yemen.

    Mu'asasada Al-kataa'ib Garabka Warbaahineed ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay Kalimad Cusub oo uu jeediyay Amiirka Xarakada Allaah ha dhowree Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-kataa'ib Garabka Warbaahineed ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay Kalimad Cusub oo uu jeediyay Amiirka Xarakada Allaah ha dhowree Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah.



Kalimadda Cusub ee uu jiidinayo Sheekh Abuu Cubeydah ayaa ah kalimad uu kaga hadlayo  xaalada dalka Yemen,waxaa Kalimadan cinwaan looga dhigay جاء نصر الله والفتح، جاء أهل اليمن.

Kalimaddan oo ah mid ku baxeysa luuqadda Carabiga, lana daawan karo muddo 22 daqiiqo ah ayuu Sheykh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula hadlayaa Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziirada Carabta ee hortaagan duullaanada ballaaran ee lagu soo qaaday dalka Yemen.



Sheykh Abuu Cubeyda ayaa ugu horreyn kalimadiisa ku soo hadal qaadaya imtixaanka adag ee uu marayo Jihaadka Jaziirada carabta, iyo duullaanada ballaaran ee lagu hayo Mujaahidiinta ku sugan Yemen, wuxuuna tibaaxayaa in culeysyadaas ay ka mid yihiin sunanda ibtilada ee uu Allaah marsiiyo addoomadiisa mujaahidiinta iyo dadka wan-wanaagsan ee uu jecelyahay.

Isagoo soo xiganaya Aayado qur’aan ah, Axaadiith iyo nusuus sharci ah ayuu Sheykh Abuu Cubeydah tilmaamayaa in imtixaanku uu yahay sunno soo jireen ah oo ay marayaan dhammaan, wuxuuna Mujaahidiinta Jaziirada Carabta ku dhiiragelinayaa in ay sii wadaan Jihaadka iyo ribaadhka ay ku hortaagan yihiin cadowga Allaah, kuna sugnaadaan dhabaha xaqqa ah iyo yoolka uu hiigsanayo halgankooda oo ah in Allaah oo kaliya loo sugo cibaadada, dhulkana lagu soo celiyo xukunka shareecada Islaamka.

Sheykh Abuu Cubeydah ayaa Mujaahidiinta Jaiirada Carabta ugu baaqay in ay diiradda saaraan dagaalka xarbul Cisaabaadka ee ay ku dhiig bixinayaan ciidamada soo duullay iyo dabadhilifyadooda, isagoona xusay in dagaalkaas uu yahay mid faa’ido badan u leh Mujaahidiinta tirada yar ee dhulkaas ku hortaagan gaashaan buurta Saliibiyiinta iyo Rawaafidda ee qabsaday dhulkaasi.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Amiirku talooyin dhowr ah u jeediyey ciidamada Mujaahidiinta ee ka halgamaya dhulka Yemen kuwaas oo uu ugu baaqay in ay adeecaan kuna kalsoonaadaan hogaankooda, sidoo kalena ka feejignaadaan Mukhadiliinta ah iyo kuwa warxumo tashiilka badan.


Sheykh Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhanka kale baaq u jeediyey qabaa’ilada sharafta leh ee ku nool dhulka xikmada iyo Iimaanka ee Yemen.


Dalka Yemen waxaa ku dhawaad muddo afar sano ah ka soconaya duullaano ballaaran oo lagu hayo Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Ahlu Sunnaha kuwaas oo sii xoogeysteen dabayaaqadii sanadkii 2015, kolkaas oo dagaalka shareeca la dirirka ah ee Yemen ay si toos ah ugu soo biireen dowladaha Aala-Sacuud Iyo Iimaaraatka Carabta ka dib markii kumanaan ciidamo ah ay ku soo daabuleen dalka iyagoo ku gabanaya boorka la dagaalanka Xuuthiyiinta balse beegsanayey magaalooyinka ay maamulaan Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca.

Dhanka kale diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa sii wada beegsiga ay ku hayaan hogaanka iyo ciidamada mujaahidiinta Jaziirada Carabta, kuwaas oo ay ku shahiideen qaar ka mid ah hogaamiyeyaashii Mujaahidiinta oo uu ku jiro amiirkii xakiimka ahaa Abuu Basiir Naasir Al-Wuxeyshi.

Ku dhageyso Toos Facebook
Halkan ka degso Kalimadda MP4


Related Items

https://twitter.com/africa_waleed