Cabdi Wali Gaas Oo Walaac Ma Muujiyay Dilalka Ka Dhanka ah Saraakiishiisa Ee Gobolka Mudug Ka Socda.

Tuesday May 01, 2018 - 08:43:41 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Wali Gaas Oo Walaac Ma Muujiyay Dilalka Ka Dhanka ah Saraakiishiisa Ee Gobolka Mudug Ka Socda.

    Hoggaamiyaha maamulka Puntland, C/wali Gaas oo kasoo laabtay socdaal uu ku tagay dalka Imaaraadka carabka, oo uu maalmo dhowr ah ku maqnaa ayaa tacsi u diray saraakiishii dhawwaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka Puntland, C/wali Gaas oo kasoo laabtay socdaal uu ku tagay dalka Imaaraadka carabka, oo uu maalmo dhowr ah ku maqnaa ayaa tacsi u diray saraakiishii dhawwaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.


Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dilka saraakiishaas, isagoo si gaar ah u xusay ninkii ugu sarreeyay ee la oran jirayCabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye).

Gaas oo hadda ka hor sheegay in uusan dhaar u aqoon in magaca Allaah lagu dhaarto, ayaa sheegay inuu Allaah ka baryayo inuu u naxariisto saraakiishii ciidanka isku dhafka ee la dilay.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee deegaanada maamulkiisu ka arrimiyo, Cameey oo ku xigeenka Gaas ayaa maalmo ka hor sidaan oo kale u sheegay in aysan ka adkaan karin Xarakada Al Shabaab oo dagaal adag kula jirta maamullada dabadhilifyada ah iyo ciidamada gummeysiga kusoo duulay Soomaaliya



Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu beegsaday saraakiisha.

Related Items