Taliban oo 6 Askari American Ah Ku Dishay Afghanistan iyo Mareykanka Oo Xaqiijiyay.

Tuesday May 01, 2018 - 11:30:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo 6 Askari American Ah Ku Dishay Afghanistan iyo Mareykanka Oo Xaqiijiyay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday wadankaasi.

Howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ay ka fuliyeen gobolka Kapisa ee dhaca  Bariga Afghanistan ayay ku dileen ugu yaraan 6 askari oo katirsan ciidanka Mareykanka.

Ilo wareedyo ku dhow imaarada Islaamiga ah ayaa sheegaya in ciidamo si gaar ah u tababaran oo mujaahidiinta katirsan ay weerar ku qaadeen askarta Americanka waxaana weerarka ku dhaawacmay 7 askari American ah halka 6 askari oo katirsan Kummaandooska xukuumadda Afghanistan lagu dilay howlgalka.


Weerarkan lagu dilay Askarta Mareykanka ayaa imaanaya xilli Taliban ay ku dhawaaqday howlgalka xilliga Guga oo loogu magac daray Al-khandaq.

Dhinaca kale war kasoo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in weerar xalay ka dhacay wadanka Afghanistan looga dilay ugu yaraan hal Askari.

Dowladda Mareykanka waxay yareysay khasaaraha dhimasho ee kasoo gaaray weerarkii Taliban ay ka fulisay gobolka Kapisa ee Bartamaha Afghanistan dhaca.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items