Wasaaradaha Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Xadgudub Ka Dhan Ah Dumarka "Galmo Shaqo Ku Bedelasho".

Tuesday May 01, 2018 - 17:35:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradaha Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Xadgudub Ka Dhan Ah Dumarka "Galmo Shaqo Ku Bedelasho".

    War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha "DF" Mamaxamad C/llhi Farmaajo, ayaa waxaa munaasabadda ay reer galbeedku u yaqaanaan "maalinta shaqaalaha adduunka" awgeed loogu hambalyeeyay shaqaalaha Soomaalida meel walboo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo ayaa diray Hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha "DF" Mamaxamad C/llhi Farmaajo, ayaa waxaa munaasabadda ay reer galbeedku u yaqaanaan "maalinta shaqaalaha adduunka" awgeed loogu hambalyeeyay shaqaalaha Soomaalida meel walboo ay joogaan.


"Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May awgeed. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo kartida aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya xaalado adag.” ayaa lagu yiri’ warka kasoo baxay Farmaajo.

SHAQAALAHA SOOMAALIDA EE LOO HAMBALYEYNAYO

Shan kun oo shaqaale ah ayaa laga eryay dekedda magaalada Muqdisho tan iyo markii ay ajaanibtu la wareegeen, waxaana booskoodii la geeyay shaqaale shisheeye ah.


Kumannaan kale ayaa laga cayriyay dekedda magaalada Berbera kadib markii lagu wareejiyay shirkad Imaaraadku leeyahay iyo dowladda Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaa maamusha shirkad ajnabi ah, taasoo sidoo kale muddo horey cayrisay boqollaal shaqaale ah, waxaana booskoodii la keenay dad ajaanib ah iyo Eeyo laga keenay dalal shisheeye.

Dadka ka shaqeysta suuqyada magaalada Muqdisho, ma heystaan xorriyad. Haddii ay madaxweynaha u imanayaan wufuud shisheeye ah, walow hal gabarba ha ahaato e’ waxaa la xiraa wadooyinka taasoo saameyn adag ku yeelata shaqaalaha Soomaaliyeed.

Mararka qaar waxaa maqaayadaha ku baara quraacdii iyo hilibkii tirada badnaa ee ay aroortii kariyeen, maadaama la xiray wadooyinkii, dadkii ka quraacan lahaana aysanba soo gaari karin Maqaayadda.

Dowladdu, marka ay dad shaqaaleysiineyso waxay ku hawl galisa shuruudo adag, oo aanu qofka damiirka lihi aqbali karin. Tusaale waxaan usoo qaadan karnaa wareysi ka baxay idaacadda codka Mareykanka oo lala yeeshay gabar qoraa ah oo lagu magacaabo Muno Maxamad Diirshe.

Muno, oo ah gabar qoraa ah, ayaa waxay sheegtay iney dhowr jeer shaqo ka doonatay wasaaradaha dowladda laakin iyada iyo gabdho kale ay lasoo kulmeen shuruud ah "Galmo shaqo ku badalo).

Halkan ka dhageyso Wasaaradaha DF-ka Dumarka shaqo uga bedesho Faraxumeyn MP3

Xigaho: Amiirnuur Media

Related Items