Sawirro: Hormuud Foundation Oo 100,000 Oo Dollar Ugu Deeqday Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadaha Webiga Shabelle Ee Magaalada Baladweyne.

Wednesday May 02, 2018 - 11:09:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Hormuud Foundation Oo 100,000 Oo Dollar Ugu Deeqday Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadaha Webiga Shabelle Ee Magaalada Baladweyne.

    Hey'adda Hormuud Foundation ayaa sheegtay inay lacagtaan gaarsiin doonto dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne, waxayna lacagtaan hordhac u tahay gargaar Bini'aadanimo oo ay hey'adda ku garab istaageyso dadka ay sida weyn u sameys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hey'adda Hormuud Foundation ayaa sheegtay inay lacagtaan gaarsiin doonto dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne, waxayna lacagtaan hordhac u tahay gargaar Bini'aadanimo oo ay hey'adda ku garab istaageyso dadka ay sida weyn u sameysay daadadka uu sameeyey Wabiga.



War Saxaafadeed kasoo baxay Hey’adda Hormuud Foundation ayaa lagu yiri ” Ugu horreyn waan u duceyneynaa dadka ay daadadka saameeyeen ee ku sugan Magaalada Beled-Weyne, waxaan ugu baaqeynaa Dadkaan ay dhibaatadu gaartay inay ku sabraan isla markaasna ay muujiyaan dulqaad” ” Waxaan kharashkaan oo hordhac ah ugu talo galaynay in aan ku caawinno bulshadaas ku dhaqan Baladweyne, maadaama ay halkaas ka jirto musiibo u baahan in laga shaqeeyo sidii looga saari lahaa dadkaas” ” Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay iscaawiyaan, si gaar ahna loo garab istaagi dadka hadda ay saameysay daadadka kuwaas oo ay heysato hooy la’aan, Raashin la’aan iyo duruufo Bini’aadanimo”.



Hey’adda Hormuud Foundation ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo lacagtaas ugu qeybiso Magaalada Beledweyne dadka saameynta xooggan ku yeelatay daadadka kusoo fatahay Magaalada oo sababay inay isaga qaxaan ilaa 100 Kun oo Qoys halka ku dhawaad 30 kun oo guri ay baaba’een .

Deeqda lacageed ay Hey’adda Hormuud Foundation ugu deeqday dadka ay daadadka saameeyen ayaa kusoo aadeyso iyadoo safar uu Madaxweynuhu Maalin ka hor ku tegey Beledwdeyne ku tilmaamay Musiibo qaran isla markaasna uu ku baaqay in gargaarka deg deg ah lala soo gaaro.

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa looga bartay inay mar kasta Shacabka Soomaaliyeed la qeybsato dhibaatooyinka soo wajaho iyadoo ka qaadato kaalin muhiim ah waxayna weli shacabka Soomaaliyeed xasuustaan sidii weyneyd oo ay uga qeyb qaadatay musiibadii ka dhacday Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdsiho 14 october Sanadkii 2017.





Related Items

https://twitter.com/africa_waleed