Askar Katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu Dilay Degmooyin Katirsan Gobolka Banaadir

Wednesday May 02, 2018 - 16:05:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu Dilay Degmooyin Katirsan Gobolka Banaadir

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal siyaaba kala duwan uga dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal siyaaba kala duwan uga dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.



Xoogag Katirsan Xarakada Al Shabaab qeybtooda ka howlgala magaaladan Muqdisho ayaa maanta duhurkii dilal qorsheysan ku fuliyay ciidamo katirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan Xasilinta caasimadda.

 

Dilka ugu horreeya ayaa maanta Duhurkii ka dhacay isgoyska Baar Ubax ee degmada Hodon waxaana lala beegsaday askari xilli uu ku sugnaa goob lagu iibiyo Maandooriyaha Khaatka.

Sidoo kale weerar ka dhacay degmada Kaaraan ee Bariga magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay hal askari oo katirsan ciidamada Booliska sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.



Xoogagii dilalka ka geystay Kaaraan iyo Baar Ubax ayaa si Nabad gelya ah uga dhaqaaqay goobaha ay dilalka ka geysteen, Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas'uuliyadda weeraradan.

Dilalkan askarta loo geystay ayaa kusoo aadayaa xilli dhawaan Sheekh Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Alshabaab uu shaaca ka qaaday in ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo Maleeshiyaadka DF-ka

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed