Biriq Boqolaal Neef Ku Dishay Deegaan Katirsan Gobolka Mudug.

Wednesday May 02, 2018 - 19:44:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biriq Boqolaal Neef Ku Dishay Deegaan Katirsan Gobolka Mudug.

    Roobab Mahiiggaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada dalka Soomaaliya ayaa sababay khasaara lixaad leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Mahiiggaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada dalka Soomaaliya ayaa sababay khasaara lixaad leh.



Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Biriq ay ku dhacday baadiyaha deegaanka Baxdo waxaana halkaas ku Bakhtiyay Boqolaal neef oo Ari ah.

Milkiilaha xoolaha Biriqdu dishay ayaa warbaahinta u sheegay in laba tiro iyo bar Ari ah ay ka dhinteen isagoo walaac ka muujiyay xaaladda ay ku suganyihiin 50 neef oo waxyeello kasoo gaartay Biriqda.

Isku geynta Ariga Ku Bakhtiyay Biriqda ayaa gaaraya 260 Neef, sidoo kale Roobab saacado badan da'ayay ayaa lagasoo sheegayaa gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.



Isbuucii lasoo dhaafay Roobab Biriq watay ayaa ugu yaraan 2 ruux ku dilay deegaan hoos yimaad magaalada Caabud Waaq ee gobolka Galguduud, sidoo kale Roobab daadad wata ayaa lagasoo sheegayaa inta badan gobollada dalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items