Yariisoow Oo Sheegay in maamulkiisa Ay Feyllaha Uga dheganyihiin siyaasiyiin iyo xildhibaanno [Dhageyso].

Wednesday May 02, 2018 - 21:31:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yariisoow Oo Sheegay in maamulkiisa Ay Feyllaha Uga dheganyihiin siyaasiyiin iyo xildhibaanno [Dhageyso].

    Maamulka dowladda Federaalka ugu magacaaban gobolka Banaadir ayaa ka sheeganaya habacsanaan iyo dib udhac ku yimid qabashada shaqadii loo igmaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka dowladda Federaalka ugu magacaaban gobolka Banaadir ayaa ka sheeganaya habacsanaan iyo dib udhac ku yimid qabashada shaqadii loo igmaday.

Cabdi Raxmaan Yariisoow oo Farmaajo uu u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu la kulmayo caqabado dhowr ah kuwaas oo uga imaanaya siyaasiyiin iyo wasiirro.

Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu walaac ka muujiyay caqabadaha ku horgudban maamulkiisa wuxuuna dhaleecayn ujeediyay kuwa uu ugu yeeray Danleey.

Yariisoow oo ay isku dhow yihiin Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka cawday siyaasiyiin Feyllaha uga dheggan maamulkiisa wuxuuna ku cataaway in isaga laga mashquuliyay shaqadii uu qaban lahaa.


"Runtii muddo saddex bilood ah ayay nagu qaatay si aan xal uga gaarno siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Wasiiro danley ah oo xafiiskeyga soo buux dhaafiyey una shaqeyn waayey bulshadii aan madaxda u ahaa laakin hadda xal ayaan ka gaaray oo waqti ayaan u sameeyey ayuu yri guddoomiye Yariisow.”ayuu yiri Yariisoow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulamo ka dhan ah maamulka Yariisoow ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen Hoteello Muqdisho kuyaal arrinkaas oo ka qeylisiisay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa fashil dhanka siyaasadda ah kala kulmaya Muqdisho waxayna dhabarka isku jeediyeen siyaasiyiin ay markii hore isku fikir ahaayeen waxaana kamid ah Thaabid oo xilkii uu hayay laga xayuubiyay.

Halkan ka degso Hadalka Yariisoow ama Hoos ka dhageyso


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items