Hay'adda ICRC Oo Ku dhawaaqday in Shaqaalaheeda Ay Kala Baxayso Soomaaliya Kadib Markii Shaqaale Laga Qafaashay.

Thursday May 03, 2018 - 10:35:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda ICRC Oo Ku dhawaaqday in Shaqaalaheeda Ay Kala Baxayso Soomaaliya Kadib Markii Shaqaale Laga Qafaashay.

    Hay'adda ICRC ayaa ku dhawaaqday in ay labaxayso dhammaan shaqaalaheeda ka howlgala dalka Soomaaliya kadib markii sarkaalad laga qafaashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda ICRC ayaa ku dhawaaqday in ay labaxayso dhammaan shaqaalaheeda ka howlgala dalka Soomaaliya kadib markii sarkaalad laga qafaashay.


Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka, ayaa habeenkii xalay lagu af-dubtay magaalada Muqdisho, iyadoo warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan arrintan.

Dowladda Federalka ayaa islamarkiiba uu afduubku dhacay saxaafadda u xaqiijisay in haweeneyda ay af-duubteen rag ka tirsan ilaalada hey’adda ICRC.

War kasoo baxay wasaaradda ammaanka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in gaarigii lagu af duubtay haweeneyda ay ku arkeen Tarabuunka laakin aan illaa iyo hadda war laga heyn halka lala aaday.



Xarunta ugu weyn ICRC, ee dalka Swezarland ka diiwaan gashan , ayaa soo saartay hadal ay ku cambaareeneyso afduubka haweeneydan u dhalatay Jarmalka taasoo ay sheegeen iney muddo usbuuc ah joogto Muqdisho.

ICRC ayaa walaac ka muujisay xaaladda ay ku sugantahay sarkaaladda laga qafaashay waxayna ugu baaqday dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada in ay gacan ka geystaan sidii loosoo badbaadin lahaa haweenayda qafaalan.

Dowladda Federalka ah  waxay arrintan uga welwelsan tahay si weyn, iyadoo ka baqdin qabtay in ay eedeymo kala kulmaan dowladda Jarmalka, sidoo kalana lagu qabsado hadallo ay dhowr jeer sheegeen oo ahaa in ammaanka dadka ajaanibta ah ay sugayaan.

Related Items