Reergalbeedka Oo Dowladda Federaalka Ku Eedeeyay in aysan udiyaarsaneyn la wareegidda Ammaanka Marka ay Baxdo AMISOM

Thursday May 03, 2018 - 11:08:16 in Wararka by
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reergalbeedka Oo Dowladda Federaalka Ku Eedeeyay in aysan udiyaarsaneyn la wareegidda Ammaanka Marka ay Baxdo AMISOM

    Markale dowladaha maalgeliya duullaanka melleteri ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka ku cadaadinaya in ay awood uyeelato la wareegidda ammaanka dalka marka ay ciidamada AMISOM dib ugurasho bilaabaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale dowladaha maalgeliya duullaanka melleteri ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka ku cadaadinaya in ay awood uyeelato la wareegidda ammaanka dalka marka ay ciidamada AMISOM dib ugurasho bilaabaan.



Shir ay kasoo qeyb galeen dowladaha fara galinta ku haya Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa waxaa looga hadlay hawllaha dowladda iyo waxa ay tahay in ay xoogga saarto.

Falanqeyn dheer kadib waxaa shirka laga soo saaray qodobo dhowr ah oo qaarkood diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka iyo sida xaalku noqon karayo mustaqbalka dhow.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo saraakiishoodu ay yihiin kuwa aad u liita oo aan awoodin in ay buuxiyaan booska ay baneyn doonaan ciidamada AMISOM, waxaana Farmaajo iyo Kheyrre loogu baaqay iney dardar galiyaan tababarka ciidanka, maadaama AMISO ay billaabeen in ay si tartiib tartiib ah wadanka uga baxaan.



Marka aad eegto farriimaha uu xambaarsan yahay war-saxaafadeedkan, waxaa ka dhadhamaya in beesha caalamku ay dowladda federaalka ah ula dhaqmayaan sida shaqaale ay iyagu sameystaan oo fulinaya danahooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items