Diyaarad Dagaal Oo Ruushka Ugasoo Dhacday Galbeedka Suuriya.

Thursday May 03, 2018 - 17:15:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Dagaal Oo Ruushka Ugasoo Dhacday Galbeedka Suuriya.

    Wararka ka imaanaya wadanka suuriya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo dowladda Ruushka leedahay ay soo dhacday waxaana dhintay dhammaan ciidamadii saarnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka suuriya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo dowladda Ruushka leedahay ay soo dhacday waxaana dhintay dhammaan ciidamadii saarnaa.

Diyaarad nuuceedu yahay SU30 oo ka duushay garoonka diyaaradaha Xumeymiim ee gobolka Laadiqiya galbeedka Suuriya ayaa ku dhacday gudaha badda.

War kasoo baxay wasaaradda Difaaca Russia ayaa lagu sheegay in diyaaraddu ay soo dhacday daqiiqado kadib markii uu shimbir si lama filaan ah ugu degay matoorkeeda taas oo sababtay cillad farsamo.

Dowladda Ruushka waxay sheegaysaa in ay dhinteen labadii duuliye ee diyaaradda la socday, wariyaal ku sugan Suuriya ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in diyaaradda dhulka laga toogtay.


Warka kasoo baxay wasaaradda Difaaca Ruushka ee ah in soo dhicidda diyaaradda uu sababay Shimbir ayaa shaki badan laga muujinayaa waxaana jira warar laysla dhax marayo oo sheegaya in diyaaradda lala helay gantaal dhulka laga gemay.

Sawirro lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa muujinaya diyaaradda oo si fooraar ah ugusii dhacaysa Badda, dowladda Ruushka ayaa tobaneeyo kamid ah diyaaradaheeda casriga ah ku weysay dagaalka ka holcaha wadanka Suuriya.

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed