Al Shabaab Oo Sarkaal Boolis Ku Dishay Degmada Boondheere.

Friday May 04, 2018 - 10:12:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sarkaal Boolis Ku Dishay Degmada Boondheere.

    Dilal qorsheysan ayaa markale lagasoo calaamadeeyay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ku xoogantahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Dilal qorsheysan ayaa markale lagasoo calaamadeeyay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ku xoogantahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xalay Fiidkii ayay rag hubeysan waxay weerar ku qaadeen guri uu ku sugnaa mid kamida saraakiisha Booliska dowladda sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka oo ka dhacay degmada Boondheere oo kaabiga ku heysa xarunta madaxtooyada ayaa lagu dilay sarkaal Boolis oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cali.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha, maalin ka hor ayay aheyd markii laba askari lagu dilay degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed