Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar 5 Kenyaan Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Mandheera.

Friday May 04, 2018 - 19:57:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar 5 Kenyaan Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Mandheera.

    War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay gobolka NFD ee dowladda Kenya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay gobolka NFD ee dowladda Kenya gummeysato.



Ugu yaraan 5 qof Kenyaan shaqaale ah ayaa ku dhintay weerar ay xoogaga Al Shabaab ka fuliyeen deegaanka Shimbir Faadumo oo hoos yimaad degmada Mandheera ee gobolka loo bixiyay Waqooyi Bari Kenya.

Al Shabaab waxay sheegtay in shanta qof oo ay beegsatay ay ahaayeen Kenyaan dhalad ah kuwaas oo bartilmaameed u ah 'Mujaahidiinta' sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab.

"Mujaahidiinta ayaa shan qof Kenyaan Nasaara ah ku dilay deegaanka Shimbir Faadumo laba kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray" ayaa lagu yiri war ay baahisay idaacadda Andalus.



Madaxa ammaanka gobolka Waqooyi Bari ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay in weerar rag hubeysan ay ka fuliyeen deegaan Hoos yimaad Mandheera lagu  dilay ugu yaraan Afar qof.

Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro dhiig badan ku daatay ka fulinaysay gudaha wadanka Kenya tan iyo markii ciidamada Melleteriga Kenya ay duullaan gardarra ah kusoo qaadeen Soomaaliya sanaddii 2011 ayna qabsadeen magaalooyin waaweyn oo ay kamid tahay Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items