Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Weeraro Waaweyn Oo Al Shabaab Ay Ka Fuliso Magaalada Muqdisho

Saturday May 05, 2018 - 09:54:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Weeraro Waaweyn Oo Al Shabaab Ay Ka Fuliso Magaalada Muqdisho

    Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku wajahan muwaadiniinta Ameerikaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo loogu baaqay in ay ka feejignaadaan weeraro la filan karo in lagula beegsado magaalada Muqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku wajahan muwaadiniinta Ameerikaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo loogu baaqay in ay ka feejignaadaan weeraro la filan karo in lagula beegsado magaalada Muqdisho.


Weeraradan ayey wasaaradu sheegtay in mujaahidiintu ay ku beegsan karaan muwaadiniinta Amerikaanka ah inta lagu gudajiro munaasabada safaarada Mareykanka loogu wareejinayo magaalada la heysto ee Al-Qudus.

Digniintan ayey wasaaradu ku sheegtay in aan la fogeysan karin in Al-Shabaab ay tallaabadaas kaga jawaabto weeraro si gaar ah u beegsanaya muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

"Waxaa suuragal ah in mintidiinta Soomaaliya ka fal celiyaa munaasabada soo socota ee safaarada Mareykanka loogu soo wareejinayo Qudus, waxaana suuragal ah in ay beegsadaan kaniisadaha, goobaha loo dalxiis tago, iyo isku imaatinada” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wazaarada arimaha dibadda Mareykanka.



Wasaaradda ayaa talooyin dhowr ah ujeedisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqday in ay ka fogaadaan isku imaatinada, ka taxadaraan amnigooda gaarka ah lana socdaan warbaahinada gudaha iyo baraha bulshada, ayna soo gudbiyaan wixii hanjabaad ah e ay la kulmaan.

Waxay sidoo kale wasaaradu muwaadiniinta Mareykanka u soo gudbisay cinwaanada iyo lambarada safaarada Mareykanka ee Nairobi si ay ula xiriiraan haddii ay halis soo food saarto maadama Mareykanka uusan wax safaarad ah ku lahayn Soomaaliya.

Hadalkan ka soo yeeray wazaarada arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku soo aadayaa iyadoo bartamaha bishan aan ku gudajirno lagu wado in safaaradda Mareykanka laga soo raro magaalada Tal-Abiib loona wareejiyo Qudus taas oo ah talaabo daba socota go’aankii dhawaan uu madaxweynahooda uu magaalada barakeysan ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda bishii Dec. ee sanadkii la soo dhaafay.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay go’aankaas waxay wazaaradda arimaha dibadda si isdaba joog ah u soo saareysay digniino ay kaga walaacsan tahay weeraro lala beegsado muwaadiniinta iyo danaha dowlada Mareykanka ay ku leedahay daafaha dunida kuwaas oo looga jawaabayo talaabadii cadowtooyo ee uu Mareykanka Yahuudda ku siiyey magaalada barakeysan ee Qudus oo uu ku yaalla masjidka Al-Aqsaa oo ah kan saddexaad ee ugu kheyr badan dunida.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items