Sawirro: Dowladda Sacuudig Oo Ogolaatay in Kaniisado Laga Dhisayo Dhulka Bilaadul Xarameyn.

Saturday May 05, 2018 - 10:24:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dowladda Sacuudig Oo Ogolaatay in Kaniisado Laga Dhisayo Dhulka Bilaadul Xarameyn.

    Markii ugu horraysay dowladda Sacuudiga ayaa ogolaatay in Kaniisado ay leeyihiin dadka Kirishtaanka ah laga dhiso dhulka Xarameynka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dowladda Sacuudiga ayaa ogolaatay in Kaniisado ay leeyihiin dadka Kirishtaanka ah laga dhiso dhulka Xarameynka.



Kadib booqashooyin ay magaalada Riyaadh ku tageen Baadariyaal katirsan Vatican-ka ayay kulamo kula qaateen mas'uuliyiinta ugu sarraysa Sacuudiga oo uu kamid yahay Salmaan Bin C/casiis iyo wiilkiisa waxayna labada dhinac kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah.

Cardinal oo ah Baadari katirsan maamulka Vatican ayaa sheegay in maamulayaasha sacuudiga ay isku afgarteen ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada iyo in Kaniisado laga hirgeliyo dhulka Xarameynka.



Jean-Louis Tauran oo ah madaxa wadahadalka diimaha ugu magacaaban Vatican-ka ayaa Sacuudiga ugu mahad celiyay wax uu ugu yeeray Furfurnaan dhanka diinta ah oo ay sameeyeen iyo in ay madaxa uga istageen faafinta islaamka xagjirka ah sida uu hadalka u dhigay.

"Boqor Salmaan ayaa xafiiskiisa qasriga Alyamaamah ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Vatican-ka waxayna ka wada hadleen wadahadalka diimaha,isdhaafsiga aqoonta iyo ka hortagga xagjirnimada"ayaa lagu yiri war ay faafisay wakaaladda wararka sacuudiga.

Max'med Bin Cabdi Kariim Alciisa oo ah madaxa Ururka Raabidada caalamka islaamka horayna usoo noqday wasiirka cadaaladda Sacuudiga ayaa wafdiga Vatican-ka usaxiixay heshiis dhigaya in Kaniisado laga dhiso dhulka Xarameynka ee Sacuudigu maamulo.

Jean-Louis Tauran oo kulanka kadib warbaahinta lahadlay ayaa ku faanay in wax uu ugu yeeray muwaadiniinta Kirishtaanka ee Sacuudiga ku nool ay heli doonaan Kaniisado ay cibaado gaaleed ugalaan isagoo horumar ku tilmaamay isbedelka dhanka maamulka ah ee Sacuudiga ka hana qaaday.









Related Items

https://twitter.com/africa_waleed