Ciidamada AMISOM Oo Qorsheynaya in Ay Faarujiyaan Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho

Sunday May 06, 2018 - 11:16:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM Oo Qorsheynaya in Ay Faarujiyaan Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho

    Taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa qorsheynaya in dhowaan ay isaga baxaan mid kamida saldhigyadooda ugu waaweyn ee kuyaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa qorsheynaya in dhowaan ay isaga baxaan mid kamida saldhigyadooda ugu waaweyn ee kuyaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowaan la filayaa in AMISOM isaga guuraan Saldhigga ay ku leeyihiin Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, kaas ioo ka mid ahaa xarumaha ugu waa weyn ee ay ka degan yihiin Muqdisho.

Boqolaal katirsan ciidamada AMISOM oo isugu jira Melleteri iyo Boolis ayaa xeryo waaweyn ka sameystay gudaha Isbartiibada sanaddii 2011 waxayna geysteen xadgudubyo ka dhan ah dadka deegaanka.

Wasiirka ammaanka DF-ka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in saraakiisha AMISOM dhankooda kusoo wargeliyeen in ay isaga baxayaan garoonka Stadium Muqdisho islamarkaana ay u diyaar garoobeen la wareegistiisa.


"Waxaa la gaaray xilligii aan gacanta ku dhigi laheyn guud ahaan amniga dalka, dhawwaan ayaana lawareegi doonnaa ammaanka garoonka Stadium Muqdisho si aan usoo celinno heybaddii Sports-ka"ayuu yiri Islaaw.

Intii ay ciidamada AMISOM ku sugnaayeen isbartiibada weyn ee Muqdisho ayay la kulmeen weeraro xooggan oo uga imaanayay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items