Al Shabaab Oo Weerar Sedax Askari Lagu Dilay Ka Fulisay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Sunday May 06, 2018 - 11:42:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Sedax Askari Lagu Dilay Ka Fulisay Duleedka Magaalada Baydhabo.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaan kaabiga ku haya magaalada Baydhabo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaan kaabiga ku haya magaalada Baydhabo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 20 KM dhanka Bari uga beegan magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen goob isbaaro ah oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Maamulka Shariif Sakiin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta goobtii weerarku ka dhacay waxayna dileen ugu yaraan sedax askari halka sedax kale ay dhaawacmeen.


Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa baahisay in sedax askari ay ku dhinteen weerarka 2 kalane dhaawacmeen "Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Daynuunaay waxay ku dileen sedax katirsan Maleeshiyaadka Murtadiinta 2 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray,saraakiisha mujaahidiinta waxay noo xaqiijiyeen in ay soo qaniimeysteen saanado hub ah" sidaas waxaa lagasii daayay Radio Andalus.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sedax askari looga dilay weerarka ka dhacay deegaanka Daynuunaay waxayna ku faaneen in khasaaro ay gaarsiiyeen dhanka Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items