Axmed Madoobe Oo iskusoo Sawiray Qalbi Dhagax Xilli Uu u Xiranyahay Dowladda Itoobiya.

Sunday May 06, 2018 - 11:05:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe Oo iskusoo Sawiray Qalbi Dhagax Xilli Uu u Xiranyahay Dowladda Itoobiya.

    Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa Muujinayay Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland oo la taagan C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa Muujinayay Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland oo la taagan C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Hoggaamiyaha maamulka 'Jubbaland' oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay magaalada Addis Ababa ayaa Qalbi dhagax loogu geeyay mid kamida Hotellada magaalada Addis Ababa halkaas oo saraakiisha sirdoonka Itoobiya ugu geeyeen.

Axmed Madoobe oo umuuqday mid sumcad ku raadsanayay lakulanka Qalbi dhagax oo bishii Agoosto ee sanaddii 2017 ay dowladda Federaalka ku wareejisay sirdoonka Itoobiya ayaan wax xog ah laga heyn xaaladda uu ku suganyahay.



Warar soo baxay ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulka Kismaayo uu R/wasaaraha cusub ee Itoobiya ka codsaday in lagu wareejiyo Qalbi dhagax si uu ugu qanciyo in uu ka baxo Ururkii uu katirsanaa ee ONLF.

Dhiibistii Sarkaalkan katirsanaa kooxaha ka dagaallama dhulka Somaligalbeed ayaa sababta in Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay waayaan taageerada Kumanaan qof Soomaali ah oo qurba joog u badan kuwaas oo fahmay dabadhilifnimada madaxda DF-ka ee ucaysan xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed