15 Askari Kenyaan Ah Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Duleedka Dhoobleey.

Sunday May 06, 2018 - 19:49:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    15 Askari Kenyaan Ah Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Duleedka Dhoobleey.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda Kenya.

Qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay afaafka hore ee degmada Dhoobleey ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 15 Askari oo katirsan melleteriga Kenya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax miino uu haleelay gaari nuuca ciidanka xambaara ah oo ka yimid deegaanka Libooya Kenya ee dhulka Soomaalida NFD kunasii jeeday gudaha Soomaaliya.

Gaariga qaraxu haleelay ayaa gabi ahaantiis gubtay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii la socday.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu xaqiijiyay in qarax ka dhacay meel ku dhow degmada Dhoobley uu sababay dhimashada Tobaneeyo Askari.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items