Wasiirka arrimaha Gudaha Pakistan Oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

Sunday May 06, 2018 - 21:53:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha Gudaha Pakistan Oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

    Saraakiisha Booliska wadanka Pakistan ayaa sheegay in uu isku day dil ka badbaaday wasiirka arrimaha gudaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Booliska wadanka Pakistan ayaa sheegay in uu isku day dil ka badbaaday wasiirka arrimaha gudaha wadankaasi.

Wararka ka imaanaya Pakistan ayaa xaqiijiyay in uu si dirqi ah ku badbaaday Ixsaan Iqbaal oo ah wasiirka arrimaha gudaha xilli uu ku sugnaa gobolka Punjab.

Caasim Khaan oo ah kaaliyaha gaarka ah ee wasiirka Badbaaday ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in rasaas oo uu soo riday ruux hubeysan ay wasiirka ka haleeshay dhanka garabka islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Laahoor.

"rasaas ayaa ka haleeshay dhanka garabka xaaladiisa caafimaadna ma ahan mid khatar ah oo waa lala tacaalayaa, ruuxii fal dambiyeedka geystay gacanta ayaa lagu dhigay" sidaas waxaa yiri kaaliyaha wasiirka arrimaha gudaha Pakistan.


illaa iyo hadda lama oga sababta ruuxa u hubeysan uu u weeraray wasiirkan Pakistaaniga ah, walina wax war ah kamasoo bixin xukuumadda dabadhilifka Islam'abad oo ku aaddan weerarka lagu qaaday wasiirkeeda arrimaha gudaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items