Dad Ku Dhintay iska Hor'imaadyo Ka Dhacay Deegaanka Mooyaale.

Monday May 07, 2018 - 10:54:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku Dhintay iska Hor'imaadyo Ka Dhacay Deegaanka Mooyaale.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay iska hor'imaadyo dib uga qarxay gudaha wadanka Itoobiya oo muddo 2 bilood ah ku jira xukun xaalad degdeg ah oo saameeyay dhammaan gobollada wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay iska hor'imaadyo dib uga qarxay gudaha wadanka Itoobiya oo muddo 2 bilood ah ku jira xukun xaalad degdeg ah oo saameeyay dhammaan gobollada wadankaasi.

Ugu yaraan 5 qof ayaa dhimatay kadib markii dagaallo ay ka dhax bilaawdeen qaar kamid ah qabaa'illada dega Itoobiya, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka bilaawdeen deegaanka Mooyaale.

Iska hor'imaadyadan ayaa daba socda weerar bishii lasoo dhaafay ay maleeshiyaadka Liyuu Booliska ku qaadeen dad katirsan Qowmiyadda Oromada.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dhinacyada ku dagaallamaya Mooyaale ay iska gubeen guryo ay dad shacab ah deganaayeen, dagaalladan dib uga qarxay Mooyaale ayaa imaanaya xilli R/wasaaraha cusub ee Itoobiya uu ku guuldarreystay joojinta colaadaha u dhaxeeya qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida dhammaantood gummeysiga ku hoos nool.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items