Shacabka Jaziiradda Soqodra Oo Dhigay Mudahaaraadyo Ka Dhan Ah Dowladda Imaaraatka Carabta

Monday May 07, 2018 - 20:55:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Jaziiradda Soqodra Oo Dhigay Mudahaaraadyo Ka Dhan Ah Dowladda Imaaraatka Carabta

    Boqolaal qof ayaad mudaaharaadyo ka oogay magaalada Arkhabiil oo katirsan Jaziiradda Soqarah ee wadanka Yemen waxaana dibad baxyadaas loogasoo horjeedaa dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaad mudaaharaadyo ka oogay magaalada Arkhabiil oo katirsan Jaziiradda Soqarah ee wadanka Yemen waxaana dibad baxyadaas loogasoo horjeedaa dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta.


Dadka mudaaharaadyada dhigaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah madaxda dowladda imaaraatka Carabta oo ciidamadeedu ay maalmo ka hor ay qabsadeen Jaziiradda Soqodra.

Hoggaamiyaasha bulshada magaalada Arkhabiil ayaa ugu baaqay dowladda Imaaraatka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamadeeda ugala baxday Jaziiradda.

Dhammaan goobaha waxbarashada iyo suuqyada ganacsiga magaalooyinka Jaziiradda Soqodrah ayaa xiran waxaana jira Bandaw ay ciidamada  Imaaraatka Carabta ay soo rogeen si ay isugu dayaan in ay damiyaan kacdoonka ka dhanka ah mashruucooda gummeysi.


Goob Joogayaal ayaa sheegay in Haween iyo dhallinyaro careysan ay isugusoo baxeen waddooyinka waaweyn waxayna ugu baaqayeen dowladda imaaraatka in ciidamadeeda ay ka saarto jaziiradda.

Maalin ka hor dowladda imaaraatka ayaa Jaziiradda Soqodrah udiray afar diyaaradeed oo sida gaadiid gaashaaman iyo ciidamo dheeri ah, ciidamada imaaraatka ayaa gacanta ku dhigay goobaha muhiimka ah sida dekadda weyn ee Soqodra iyo xarumaha maamulka.

Saalix Aljibwaani oo katirsan golaha wasiirrada xukuumadda Dabadhilifka Yemen ayaa shacabka Jaziiradda Soqodra ku bogaadiyay kacdoonka ay kala hortageen ciidamada Imaaraatka.

Xukumadda Fadhiidka ee uu madaxda ka yahay Cabdi Rabih Haadin Mansuur ayaa dhankeeda dowladda Imaaraatka ku eedeysanaysa in uu faragelin rasmi ah ku hayo islamarkaana uu qabsanayo magaalooyin dhaca Koonfurta wadankaasi.

Dowladda imaaraatka ayaa horay gacanta ugu dhigtay magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta dhaca sida Cadan,Mukalla iyo Xadramuut waxayna ka hirgelisay maleeshiyaad ashahaadda ladirir ah iyo xabsiyo qarsoodi ah oo lagu tacdiibiyo dadka muslimiinta ah.

Related Items