Video+Sawirro: Folkaanooyin Dab Ah Oo Ku Dhuftay Mid Kamida Gobollada Dalka Mareykanka.

Monday May 07, 2018 - 21:23:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro: Folkaanooyin Dab Ah Oo Ku Dhuftay Mid Kamida Gobollada Dalka Mareykanka.

    Wadanka Mareykanka wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in dhul gariir ballaaran oo foolkaano ah uu ku dhuftay mid kamida gobollada ugu waaweyn ee wadankaas waxaana socda barakac aad u xooggan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Mareykanka wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in dhul gariir ballaaran oo foolkaano ah uu ku dhuftay mid kamida gobollada ugu waaweyn ee wadankaas waxaana socda barakac aad u xooggan.

maamulayaasha gobolka Hawaii ayaa sheegay in dhulka folkaanaha ah uu saameeyay tobanaan magaalo, dhulka gariirka oo cabirkiisu yahay 6.9 darajjo oo ah Rikhtarka dhul gariirada lagu cabiro ayaa si xowllo ah ku socda.

Buurta lagu magacaabo Kiilaawi ayaa qaraxyo sameynaysa waxaana sheedda sare laga arkayaa qaraxyo waaweyn oo dhimbilo dab ah wata kuwaas oo gubaya dhulka keymaha ah ee ku hareeraysan buurta.

Goob joogayaal ayaa sheegay in buurta Kiilaawi oo kamid ah meelaha ugu folkaanooyinka badan ay tuurayso kuleyl dab wata arrintaas oo halis gelinaysa noolaha oo idil.


Folkaanadan ayaa lagu sheegayaa in ay tahay middii ugu xumeed ee soo marta jaziiradda Hawaii muddo ku siman 50 sanadood oo xiriir ah.
Kumanaan qoys ayaa cabsi aawgeed uga barakacaya dhulka ku dhow buuraha folkaanuha saameeyay.



 
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay holac qabsaday dhulka buuralayda ah iyo dabka ka dhashay folkaanaha oo gubaya dhulka Keymaha ah, sidoo kale qiic iyo boor ayaa cirka isqabsaday halka dhul gariirka folkaanaha uu ku dhuftay.

Kumanaan qoys ayaa laga daadgureeyay guryahooda si looga feejignaado in dabku uu gubo waxaana la arkayay diyaaradaha qumaatiga ukaca oo dul heehaabaya tuulooyinka ku dhow buurta qaraxyadu ka dhacayaan.

khubarada cilmiga deegaanka ayaa sheegaya in qiica ka baxaya dhulka gubanaya uu wasakheynayo hawada islamarkaana uu halis gelin karo caafimaadka dadka ku dhaqan Hawaii.

Guddoomiyaha gobolka haawaay ayaa waxa gobalkiisa ka socda ku tilmaamay wax layaab leh oo aan wali dhankooda soomarin isagoo dadka barakacay niyadda ugu dhisay in ay gurmad heli doonaan.

Halkan ka degso Muuqaalka ama Hoos Ka Daawo



Related Items

https://twitter.com/africa_waleed