Sarkaal Katirsan Dowladda Hoose Oo Duleedka Muqdisho Ka Dhacay iyo Warshadda Barafuunka oo la weeraray.

Tuesday May 08, 2018 - 09:57:19 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan Dowladda Hoose Oo Duleedka Muqdisho Ka Dhacay iyo Warshadda Barafuunka oo la weeraray.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay markale ku dileen sarkaal katirsanaa dowladda Hoose ee gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay markale ku dileen sarkaal katirsanaa dowladda Hoose ee gobolka Banaadir.

Xoogag bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ku dilay sarkaal katirsanaa qeybta Canshuuraha dowladda Federaalka.

Goob Joogayaal ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay dileen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Sheebeey waxayna ka qaateen hub iyo gaari nuuca raaxada ah oo uu watay.

Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa xalay lagu qaaday saldhigga ciidamada DF-ka ay ku leeyihiin dhismaha Warshaddii Barafuunka ee xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda dhammaan weeraradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda sida ay baahisay idaacadda islaamiga Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed