Warar Goosgoos Ah:Mooyaale Dagaallo Wali Ka Socda,Mustaxiil Oo Fatahaad loogu Dhintay iyo Raaf Ka Socda Magaalada Wardheer.

Tuesday May 08, 2018 - 11:37:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar Goosgoos Ah:Mooyaale Dagaallo Wali Ka Socda,Mustaxiil Oo Fatahaad loogu Dhintay iyo Raaf Ka Socda Magaalada Wardheer.

    Dagaallo culus ayaa wali ka socda deegaanno katirsan dhulka Soomaaligalbeed ee Xabashida Itoobiya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa wali ka socda deegaanno katirsan dhulka Soomaaligalbeed ee Xabashida Itoobiya gummeysato.

Wararka ka imaanaya degmada Mooyaale ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo u dhaxeeya dadka Oromada iyo Soomaalida ay wali ka socdaan gudaha iyo hareeraha deegaanka.

Dad ku sugan Mooyaale ayaa warbaahinta u sheegay in sedax qof ay shalayn ku dhinteen dagaallo culus oo dhacay, ciidamo Itoobiyaan ah oo labada qowmiyadood kasoo kala jeeda ayaa la sheegay in ay sii hurinayaan colaadda.

Dhinaca kale ciidamada gummeysiga Itoobiya ayaa howlgallo raaf ah ka wada degmooyin dhowr ah oo katirsan gobolka Doola ee dhulka Somaligalbeed.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Itoobiya ay xoog ku galeen guryo kuyaal magaalada Wardheer halkaas oo ay ka xireen Tobaneeyo qof.

Dadka laxiray oo lajirdilay waxaa kamid ah Haweenay da'ah oo lagu magacaabo Caasho Sugulle Aw Cabdullaahi iyo seygeeda, dhanka degmada Mustaxiil waxaa lagasoo sheegayaa Fatahaad saamey ba'an ku yeelatay dadka deegaanka.


Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatahaad ka dhacday Mustaxiil, goob joogayaal ayaa sheegay in gabi ahaan fatahaadda Wabiga Shabelle ay maasheysay magaalada Mustaxiil iyadoona shacabkii deganaa ay isaga Barakaceen.

Magaaladan waxaa ku hareeraysan Togag waaweyn oo xilliyada Roobka Biya keena waxaana magaalada ku hareeraysan Wabiga Shabelle taas oo Mustaxiil ka dhigtay meel in lagu noolaado ay adagtahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items