Trump Oo Ku Dhawaaqay in Mareykanku Uu isaga Baxay Heshiiskii Niyugleerka Iiraan.

Tuesday May 08, 2018 - 21:39:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Ku Dhawaaqay in Mareykanku Uu isaga Baxay Heshiiskii Niyugleerka Iiraan.

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa caawa ku dhawaaqay in maamulkiisu uu si rasmi ah uga baxay Heshiiskii Hubka Niyugleerka ee lala galay Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa caawa ku dhawaaqay in maamulkiisu uu si rasmi ah uga baxay Heshiiskii Hubka Niyugleerka ee lala galay Iiraan.

Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayuu ku sheegay in Mareykanku ay si rasmi ah uga baxeen heshiiskii dowladaha Reergalbeedku ay lagaleen iiraan sanaddii 2015.

Wuxuu sheegay in Heshiiskaas uu ahaa mid halis ah oo Iiraan siinaya fursado ay ku sameysan karto hubka wax baabi'iya ee Niyugleerka islamarkaana ay halis gelin karto wax uu ugu yeeray ammaanka caalamka.

"Haddii Heshiiskan uu sii socdo wuxuu iiraan u suurtagelinayaa in ay horseeddo tartanka Hubka Niyugleerka ah oo Bariga dhexe ka hana qaada" ayuu yiri Trump.


Madaxweynaha Mareykanka wuxuu saxiixay in iiraan dib loogusoo rogayo dhammaan cunaqabateymihii dhanka dhaqaalaha ah ee saarnaa wixii ka horreeyay sanaddii 2015.

Mareykanka ayaa Heshiiska iiraan lalagalay u arka mid halis weyn leh sababtoo ah Tahran waxaa usuurta gelaya in ay sameysato Hubka halista ah wixii ka dambeeya sanadda 2025 iyadoo aan wax cunaqabateyn ah kala kulmeyn dowladaha awoodda joogtada ah ku leh Golaha ammaanka.

Dowlaha Midowga Yurub oo ay ugu horreeyaan Faransiiska,Ingiriiska,Jarmalka iyo Holland ayaa ku dhawaaqay in ay sii xoojin doonaan heshiiskii ay lagaleen dowladda iiraan ee xal loogu helayay barnaamijka Niyugleerka Tahran.

Brack Obamada Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa saxiixay Heshiiskii Iiraan lagalay wuxuuna xilligaas ku tilmaamay Mid Taariikhi ah balse Trump ayaa xilligii uu doorashada u ordayay ballan qaaday in uu baabi'in doono Heshiiskaas waxaana muuqata in uu ka dhabeeyay Ballanqaadkiisi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed