Al Shabaab Oo 3 Askari Ku Dishay Xaafadda Suuq Bacaad Ee Degmada Yaaqshiid.

Wednesday May 09, 2018 - 14:41:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo 3 Askari Ku Dishay Xaafadda Suuq Bacaad Ee Degmada Yaaqshiid.

    Xoogag hubeysan ayaa markale magaalada Muqdisho ku dilay askar katirsan dowladda Federaalka xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan DF-ka
Xoogag hubeysan ayaa markale magaalada Muqdisho ku dilay askar katirsan dowladda Federaalka xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.



Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in xoogag bastoolado ku hubeysan ay dileen sedax askari oo katirsanaa ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda.

Maanta duhurkii ayaa xaafadda Suuq Bacaad lagu dilay 2 askari oo Boolis ah iyo sarkaal katirsanaa ciidamada loogu yeero Nabad sugidda, goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in raggii dilka geystay ay si Nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha, shalay ayey aheyd markii weerar madaafiic ah lagu qaaday xarunta Xisbiga oo ay ku suganyihiin maleeshiyaadka Xasilinta caasimadda.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items