Akhriso:Islaamiyiinta Tuunis oo Al Shabaab Ugu Baaqay in Ay u Aargudaan Sheekh Abuu Zubeyr.

Tuesday September 09, 2014 - 11:37:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Akhriso:Islaamiyiinta Tuunis oo Al Shabaab Ugu Baaqay in Ay u Aargudaan Sheekh Abuu Zubeyr.

    Laba Maalin kadib markii hoggaanka mujaahidiinta Soomaaliya ay ku dhawaaqeen istish-haadka sheikh mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii xarakada shabaabul Mujaahidiin ayay jamaacaadka jihaadiga fariimo dhaxalgal ah usoo dirayaan shacabka soomaaliyeed iyo muj

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Maalin kadib markii hoggaanka mujaahidiinta Soomaaliya ay ku dhawaaqeen istish-haadka sheikh mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii xarakada shabaabul Mujaahidiin ayay jamaacaadka jihaadiga fariimo dhaxalgal ah usoo dirayaan shacabka soomaaliyeed iyo mujaahidiintiisa.



Mujaahidiinta Ansaaru shareecah ee wadanka Tuunis ayaa soo saaray bayaan muhiim ah oo ay uga hadlayaan istish-haadka sheikh abuu zubeyr iyagoona talooyin dhaxalgal ah ujeediyay shacabka soomaaliyeed iyo hoggaanka cusub ee mujaahidiinta.

Ansaaru shareecah ayaa ammaan iyo boggaadin ujeedisay sheekhii shahiiday ee Abuu zubeyr oo ahaa mujaahid ku ad-adkaa gaalada iyo murtadiinta una jilacsanaa muslimiinta.

"Waxaa dhanka walaalaheena xarakadashabaabul Mujaahidiin nagasoo gaaray warka ah istish-haadka mid kamid ah culimada jihaadka bariga afrika waa caalimka sheikh abuu zubeyr allaha ka aqbalo shahaadadiisa waan ku qanacsanahay qadarta allaah”.



Bayaanka ayaa lagusoo hadal qaaday geesinimadii Sheekh abuu zubeyr iyo sida uu ugu taagnaa difaaca muslimiinta qaaradda afrika khaasatan bariga afrika.

"illaah hakuu naxariisto sheekheeni geesinimada iyo go’aan qaadashada usaaxiibka ahaa wuxuu ahaa geesi saliibiyiinta dha-dhansiiyay nuucyada cadaabka iyo dulliga wuxuu ahaa halyeey afka cidda udaray kufriga caalamiga ah iyo kuwa maxalliga dabadhilifyada ah ..”.

Mujaahidiinta Ansaaru shareeca ee wadanka Tuunis ayaa carrabka ku adkeeyay in dilka sheikh abuu zubeyr uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin jihaadka ka socda soomaaliya islamarkaana jihaadku sii xooggaysan doono.

"Sheekhu wuxuu ka tegay dhagax adag oo aan lajeexi Karin wuxuu ka tegay ciidan xooggan oo muslimiinta bariga afrika difaaca”ayaa lasii raaciyay bayaanka.

Qeyb kamid ah bayaanka ayaa lagu guubaabiyay ciidanka shabaabul mujaahidiin ee cadawga saliibiga ah kula dagaalamaya wilaayaatka islaamiga ah waxaana lagu yiri sidan.

"Mujaahidiinta alshabaaboow sugnaada sugnaada oo adkeysta mas’uuliyad wayn oo umadeed ayaa qoortiina ahaatay ogaada muslimiinta bariga afrika idinka ayay idin sugayaan lasabartama cadawga oo ha jilcina”ansaaru shareecah.

Ansaaru shareecah ayaa mujaahidiinta soomaaliya ku adkeysayin ay laazimaan adeecidda amiirkooda cusub Sheekh Abaa Cubeyda sidoo kale mujaahidiinta soomaaliya waxaa loogu baaqay in ay ka aargutaan cadawga wadajirka ah iyagoo ka bilaabaya kuwa gudaha ee Mareykanka kala shaqeeya dilka hoggaamiyaasha mujaahidiinta.

Mujaahidiinta Tuunis ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab iyo gaashaan unoqdaan wiilashooda mujaahidiinta ah.

Ugu dambeyntii ansaaru shareecah ayaa fariin udirtay dowladda saliibiyadda mareykanka ee dishay sheikh mukhtaar Abuu Zubeyr waxaana mareykanka laxusuusiyay in dilka hoggaamiyaasha mujaahidiinta ay shidaal uyihiin jihaadka gaaladana ku yihiin dhimbima dab ah.

Duqeyn isbuucii lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen Koonfurta soomaaliyay ayay ku dileen amiirkii shabaabul mujaahidiin iyo laba kale oo mujaahidiin kamid ahaa.

Halkan ka degso Bayaanka PDF

Related Items