Ciidamada Dowladda Oo Saacado Kooban Lagala Wareegay Degmada Kaxda Ee Gobolka Banaadir.

Thursday May 10, 2018 - 11:15:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Oo Saacado Kooban Lagala Wareegay Degmada Kaxda Ee Gobolka Banaadir.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weeraro saf ballaaran ah ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaal degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weeraro saf ballaaran ah ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaal degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Xalay Fiidkii ayay ciidamada Al Shabaab dagaal kula wareegeen dhowr xaafadood oo katirsan magaalada Muqdisho, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen saldhigga Booliska iyo dhowr Kontarool halkaas oo ay isaga firxadeen ciidamadii DF-ka.

Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayay gudaha degmada Kaxda, saraakiil katirsan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shacabka kula hadlay afaafka hore ee saldhigga waxayna uga digeen la shaqeynta DF-ka iyo ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.


Ciidamada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii illaa iyo saaka aroortii hore ku sugnaa xaafadaha degmada Kaxda halkaas oo ay ka sameynayeen Roondooyin.

Howlgalkii xalay ayaa imaanaya xilli habeennadii lasoo dhaafay ay xoogaga Al Shabaab ay weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan ka fulinayeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items