Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax 10 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka W/Weyn.

Thursday May 10, 2018 - 19:22:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax 10 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka W/Weyn.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta gelinkii ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo W/weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta gelinkii ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo W/weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo lala helay gaari Tikinika ah ayaa sababay dhimashada 9 askari halka 5 kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in gaari nuuca soomaalidu u taqaan Cabdi Bile uu gabi ahaantiis ku gubtay qaraxa.

Weerarka ayaa ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo W/weyne, War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay.

Qaraxii maanta dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa sarkaal katirsan ciidamada dowladda kaasi oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle sare waxaana magaciisa lagusoo gaabiyay Mukhtaar Jiis.


Warar kale oo laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya in dhimashada ciidamada Dowladda ee qaraxa ka dhalatay ay gaartay 10 Askari, shalay ayay aheyd markii qarax ka dhacay gudaha degmada W/weyne lagu dilay 4 askari.

Gobolka Sh/Hoose wuxuu kamid yahay meelaha ay sida xowlliga ah uga socdaan howlgallada ka dhan ah ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo maleeshiyaadka DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed