Sarkaal iyo Sedax Askari ilaala U Ahaa Oo Caawa Lagu Dilay Say Biyaano.

Thursday May 10, 2018 - 22:21:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal iyo Sedax Askari ilaala U Ahaa Oo Caawa Lagu Dilay Say Biyaano.

    Askar iyo saraakiil katirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa lagu dilay weerar qorshaysan oo caawa fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar iyo saraakiil katirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa lagu dilay weerar qorshaysan oo caawa fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xaafadda Say Biyaano ku dilay sarkaal katirsan maleeshiyaadka Alpha Group ee Mareykanku tababaray iyo sedax askar oo ilaala u ahaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag katirsan Al Shabaab ay weerar  xirfadeysan ku dileen sarkaalka iyo askariga kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen.

Goobta weerarku ka dhacay oo aad ay ugu xoogantahay dowladda Federaalka ayaa lagu kala cararay waxaana markii dambe soo gaaray ciidamo farabadan oo katirsan dowladda Federaalka.


Xarakada Al Shabaab ayaa Sheegatay Mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed