Trump Oo Shaaciyay halka Uu Kula Kulmi Doono Dhiggiisa Kim Jong-un.

Thursday May 10, 2018 - 22:52:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Shaaciyay halka Uu Kula Kulmi Doono Dhiggiisa Kim Jong-un.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu shaaciyay halka uu ka dhici doono kulanka dhax mari doono Donald Trump iyo hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu shaaciyay halka uu ka dhici doono kulanka dhax mari doono Donald Trump iyo hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya.



Donald Trump ayaa war uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in kulanka uu la qaadan doono Kim Jong-un uu ka dhici doono wadanka Singapore ee qaaradda Asia.

Kulanka oo noqon doona midkii ugu horreeyay ee ay labada hoggaamiye yeeshaan ayaa lafilayaa in lagu falanqeeyo barnaamijka Hubka Niyugleerka ee dowladda waqooyiga Kuuriya.

Singapore ayaa ah wadan yar oo horumar dhanka dhaqaalaha ah ku talaabsaday waxayna siyaasad ahaan isku dhowyihiin dowladda Mareykanka, kulankan ay marti gelunaysana waxaa la aaminsanyahay in uu siin doono ihtimaam dhanka diblumaasiyadda ah.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed