Dowladda Federaalka Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Dadkii Ciidanka Mareykanka Ku Xasuuqeen Deegaanka Macallinka.

Thursday May 10, 2018 - 23:10:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Dadkii Ciidanka Mareykanka Ku Xasuuqeen Deegaanka Macallinka.

    Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Dowladda Federaalka weerar shacab Rayid ah lagu xasuuqay oo xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye waxaa mas'uul ka ahaa dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo ayaa Hoggaanka u haya DF-ka
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Dowladda Federaalka weerar shacab Rayid ah lagu xasuuqay oo xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye waxaa mas'uul ka ahaa dowladda.

Wasaaradda amniga waxay sheegtay in ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah ay weerarka ka fuliyeen tuulada Macallinka ayna halkaas ku laayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab!.

Afhayeen u hadlay dowladda Federaalka ayaa ku faanay shacabka ay Xasuuqeen isagoo yiri ”Waxaan idin xaqiijinayaa in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheesan ay fuliyeen ciidamada dowlada, dadka howlgalkaasi lagu dilay waxa ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab, waxba kama jiraan in dadka la dilay shacab yihiin ”.


Wuxuu sheegay Afhayeenka in dadka la dilay ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab, isagoona meesha ka saaray in dadka howlgalkaasi lagu dilay in ay ku jiraan dad shacab ah.

Qaar Kamid ah dadka beeraleyda ah ee ka badbaaday weerarkii xalay ee 5 qof shacabka ah lagu dilay ayaa warbaahinta madaxa banaan u sheegay in ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah soo weerareen iyagoo khudaar udaabulaya dhanka degmada Afgooye.

Dowladda Federaalka ayaa sanaddii lasoo dhaafay sidaan oo kale u sheegatay mas'uuliyadda weerarkii shacabka lagu xasuuqay ee ka dhacay deegaanka Bariire.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items