Dowladda Mareykanka Oo Qiratay in Ciidamadeedu Ka Qeyb Galeen Weerarkii Shacabka Lagu Xasuuqay Ee Ka Dhacay Duleedka Afgooye.

Saturday May 12, 2018 - 11:55:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Qiratay in Ciidamadeedu Ka Qeyb Galeen Weerarkii Shacabka Lagu Xasuuqay Ee Ka Dhacay Duleedka Afgooye.

    Taliska ciidamada Mareykanka Qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay ku lug lahaadeen howlgal dad badan lagu laayay oo habeenkii Khamiista 9 May,2018 ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Mareykanka Qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay ku lug lahaadeen howlgal dad badan lagu laayay oo habeenkii Khamiista 9 May,2018 ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

AFRICOM ayaa sheegay in ay heleen wararka sheegaya in ciidamadoodu ku lug lahaadeen dad lalaayay balse ay wadaan baaritaanno sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xarunta taliska oo kutaal wadanka Jarmalka.

"Waxaan ka war haynaa tuhun ku saabsan in khasaare dad rayid ah uu ka dhashay weerarkaas, waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa Wararka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka kasoo baxay.


Inkastoo dowladda Mareykanka ay shaki gelisay in ciidamadeedu ku lug lahaadeen shacab lalaayay hadane hoggaanka dowladda Federaalka ayaa ku faanay in saraakiil katirsan Al Shabaab ay ku dileen weerarkii ka dhacay Tuulada Macallinka!

Col.Caanood oo ku magacaaban Abaanduulaha ciidamada xoogga ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu si aan gambasho laheyn ugu faanay shacabkii lagu xasuuqay duleedka Afgooye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items