Tobaneeyo Askari Oo Dowladda Federaalka looga Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Saturday May 12, 2018 - 12:02:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tobaneeyo Askari Oo Dowladda Federaalka looga Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaanno dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaanno dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

illaa iyo laba qarax oo shalay gelinkii dambe ka dhacay isku imaatin ay ciidamo katirsan kuwa 'Xasilinta caasimadda' uga sugnaayeen deegaanka Xaawa Cabdi ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 10 askari.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa labaad uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo Meydad iyo dhaawacyo  daabulayey arrinkaas oo sare usii qaaday khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii shalay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyada sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha, khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale qaraxyo askar badan lagu dilay uga dhacay duleedka degmada Afgooye.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed