3 Askari Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Degmada Buula Mareer iyo Maleeshiyaad Lagu Weeraray Sh/dhexe.

Saturday May 12, 2018 - 17:52:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Askari Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Degmada Buula Mareer iyo Maleeshiyaad Lagu Weeraray Sh/dhexe.

    Qarax Khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka markale lagula eegtay deegaan katirsan gobolka shabeelaha Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax Khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka markale lagula eegtay deegaan katirsan gobolka shabeelaha Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Buula Mareer ayaa sheegaya in qarax Miino ciidamo katirsan DF-ka lagula eegtay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen.

Ugu yaraan sedax askari ayaa dhimatay halka 4 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa, dadka dhintay waxaa kamid ah Taliyihii Koontaroolka Buula Mareer.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka sida ay baahisay idaacadda islaamiga Andalus, dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay ka dhaceen inta u dhaxaysa deegaannada Ceelbaraf iyo Ceeldheere.


Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe ay weerar kula jarmaadeen maleeshiyaad katirsan DF-ka oo isbaaro dhigtay halka loo yaqaan Xalfooleey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 2 askari ay ku dhinteen dagaalka, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka DF-ka ee isbaaraleyda ah ay ubaqa carareen dhanka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay howlgalkan Burcad sifeyska ah ee ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen halka ay iska galeen gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, maleeshiyaadka ayaa bishii lasoo dhaafay degaya wadada Xalfooleey halkaas oo ay dil iyo kufsi ugu geysteen dad musaafur ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed